Ahlu Sunna oo Weerar ay khiyaano badan u adeegsatay ku leesay Ilaalada Saadaq Joon

Waxaa xalay saqdii dhaxe deegaanka Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug ka dhacay dagaal xooggan oo dhax maray ciidamada DF oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo xooggaga Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamo uu hoggaaminayay taliyaha ilaalada Madaxtooyada Galmudug oo marayay deegaanka Balli-Bire weerar xoogan kala kulmeen xoogag katirsan Ahlu Sunna oo halkaasi ugu dhigay weerar dhabo gal ah.

Sida aan wararka ku helnay gaadiidka dagaal oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xilligaasi doonayay in ay soo galbiyaan rag katirsan Ahlu Sunna oo sheegay in ay kasoo goosteen kooxdaasi una soo galayaan dhinaca Galmudug.

Ciidamada ka baxay Dhuusomareeb ayaana mar qura la kulmay weerar khiyaano badan ku saleesnaa ee u maleegeen Ahlu Sunna, waxaana ka dhacay dagaal xooggan oo khasaaro badan dhaliyay deegaanka Balli-Bire.

Ku dhawaad 10 askari oo katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug una badnaa ilaalada Xildhibaan Saadaq Joon  ayaa lagu dilay weerarka , waxaa sidoo kale la sheegay in Ahlu Sunna gubeen gaari dagaal sidoo kale qabsadeen hub kala duwan.

Meydadka askarta ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug looga dilay dagaalka ka dhacay Duleedka magaalada Dhuusomareeb ayaa loo soo qaaday magaalada, waxaana saakay Dhuusomareeb laga dareemayaa dhaqdhaaaqyo ciidan.

Maamulka Galmudug  ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan ka dhacay duleedka Dhuusomareeb iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana weerarkan kusoo aadaya xilli dhoor mar Galmudug soo dhaweesay xubno kasoo goostay Ahlu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -